7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta
 

Sabti Luulyo, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay dhigiisa guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Abdel Bin Abdulrahman Al-Assumi ayaa kala hadlay sidii dalalka Carabta iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah ay u garab istaagi lahayeen shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Adel bin Abdulrahman Al-Assumi ayaa dhankiisa ka codsaday dalalka Carabta in ay gacan ka geystaan ​​sidii Shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa abaaraha ka jira degaanada Soomaaliyeed oo sanadkii saddexaad xiriir ah ay ka jiraan abaaro daba dheeraadey.

Labada guddoomiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii guddoomiyaha Barlaamanka Carabta ayaa soo hadal qaaday mowqifka adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aaddan in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagaan marxaladaha xasaasiga ah ee ay ku jirto ka hortagga abaaraha, dadaallada dib lagu yagleelayo amniga iyo xasiloonida iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, si uu uga gudbo caqabadaha dhan walba leh.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]