7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 5 , 2022
Guddigii uu Raysal wasaare Rooble u xilsaaray xaaladda magaalada Baledweyne oo Maanta gaaray Magaalada Jowhar

Sabti, Febraayo, 5, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe guddi heer wasiiro ah oo uu dhawaan magacaabay Raysal wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Guddigan heerka wasiirada ah ayaa waxaa hoggaaminaayay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa garoonka magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Ujeedada guddigan ay maanta u tageen magaalada Jowhar ayaa ah sidii ay uga shaqeyn lahayeen dajinta xiisada iyo khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka reer Hiiraan oo diidan jiritaanka maamulka Hirshabeelle.

Guddigaan ayaa lagu wadaa inta ay joogaan magaalada jowhar iney la kulmaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo waxgaradka magaalada Jowhar oo ay kala hadli doonaan xal u helida caqabaha culus ee u dhaxeeya madaxda Hirshabeelle iyo shacabka reer Baledweyne.

Sikastaba ha ahaatee shacabka reer Hiiraan ayaa si weyn uga carooday hanaankii loo maray dhismaha labaad ee Hirshabeelle oo ku aadan saami qeybsiga awoodeed ee maamulka Hirshabeelle, waxaana tan iyo markii la dhisay Hirshabeeladda labaad uu madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe, magaalada Baledweyne ka dhacay dagaalo iyo dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday in Cali Guudlaawe uu tago magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online