7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 5 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

Sabti, Febraayo, 5, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kursiga koowaaad ee doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 226, waxaana ku guuleysatay doorashada kursiga Maryan Maxamuud Ciise, kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Cali Warsame oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd Maryan Maxamuud, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Maryan Maxamuud Ciise ay ku heshay 98 cod.

Kursiga labaad ee Maanta lagu doortay magaalada Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 218, waxaa kusoo baxay Maxamed Cilmi Ibraahim oo helay 92 cod, kadib markii loogu codeeyay hab gacan taag ah, markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo ahaa Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Kursiga sadaxaad oo sumadiisu tahay HOP 270, oo ka mid ahaa kuraasta Maanta lagu doortay magaalada Muqdisho, waxaa ku guuleystay Cabdiwahaab Cabdi Cumar oo helay 97 cod oo ahaa gacan taag, kadib markii ay tanaasushay Muna Axmed Diiriye.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa guddiyada doorashada waxay ku wadaan si dardar leh, iyagoona sheegay iney kusoo gabagabeyn doonaan waqtiga loo qabtay in lagu soo dhameystiro doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online