7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2022
Duqa Kismaayo oo ka hadlay dad shacab ah oo lagu laayay qarax miino oo lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen
 

Sabti, Febraayo, 5, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 9-ruux ayaa ku geeriyootay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu la kacday Miino dhulka lagu aasay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Jubbaland.

Dadka dhintay ayaa ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxa lala eegtay gaari Bas ah oo ay la socdeen,  sida uu sheegay duqa magaalada Kismaayo, Cumar Faraweyne.

"Tani waxay ahayd dhacdo aad u xun, 9 qof  oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qaraxa oo burburiyay bas yar oo ay la socdeen dadkani," ayuu yidhi Cumar Faraweyne oo ka qeyb galayay aas wadareed marxuumiinta loogu sameeyay Kismaayo.

Duqa Kismaayo ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo lagula dagaalamayo Alshabaab iyo cid walba la shaqeysa. Wuxuuna sheegay in aysan u dulqaadan doonin daadinta dhiigga shacabka ee maalin walba qubanaya.

Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa tacsi tiranyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadka ku geeriyooday qaraxa, wuxuuna falkaan ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxda alshabaab.

Bishii December 2021 ayay ahayd markii 4 Wiil oo dhallinyaro ah ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay tuulada Buula Xaaji ee galbeedka Magaalada Kismaayo, dhallinyaradaas oo xilligu qaraxu haleeyay ku howlanaa gurmadka biyo dhaamiska dadka abaaraha saameeyeen.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online