7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 5 , 2022
4 Soomaali ah oo kamid noqday muhaajiriin qabow ugu geeriyooday xadka Turkiga iyo Giriiga

Sabti, Febraayo, 5, 2022 (HOL) - 4 qof oo Soomaali ah ayaa kamid noqday 19 qof oo maydadkooda laga helay xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga, kaddib markii dadkaasi ay u dhinteen qabow daran oo halkaas ka dhacayay.

Soomaalida maydadkooda la helay iyo kuwa kale ajaanibta ah  ayaa doonayay in ay gaaraan dalka Giriiga, iyagoo markii hore qaab tahriib ah uga tagay dalka Turkiga, oo ay ku noolaayeen.

Turkiga ayaa Giriigga ku eedeeyay in si xoog ah ay dib ugu soo celiyeen dadkan, sidaasna ay ku timid dhimashadooda, halka Giriiggu uu arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Dowladda Turkiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay maydadka dadkan ka heshay meel u dhow xadka Giriiga, kadibna usoo qaadeen dalkooda, si loogu wareejiyo qoysaskooda.

Soomaalida maydadkoodii hore la helay oo ahaa labo dhallinyaro ayaa saacaddo kadib la xaqiijiyay maydka labo kale, waxaana weli socda baaritaanka loogu jiro in ay jiraan kuwo kale oo la ogayn.

Turkiga ayaa sheegay in meydadkaan la helay ka dib dadaalladii baadi goobka iyo samatabbixinta ahaa ee ay sameeyeen saraakiisha ka howlgasha xadkaTurkiga iyo Giriiga, kuwaas oo Arbacadii  helay laba iyo toban meyd oo kale.

Soomaalida ku sugan Turkiga ayaa horey looga digay xadka Giriiga, halkaas oo laga sheegay in Giriiga uu adkeeyay xaduudkiisa islamarkaana uusan oggolaanayn in loosoo gudbo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online