7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 5 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hor yimid caymis xukuumadu soo rogtay
 

Sabti, Febraayo, 5, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay awood u lahayn in ay caymis kusoo rogto gaadiidka.

Khaliif ayaa sharci daro ku tilmaamay amar ay xukuumada Somaliland caymis ugu waajibisay gaadiidlayda reer Somaliland, waxa uu sheegay in xukuumadu anay jidayn karin caymiska.

"Xildhibaano ayaa hada ila wadaagayay in wasiiro yidhaahdeen in arrintaasi dhaqangal tahay, lana fulinayo caymiska noocaas iyo noocaas ah ee khasab ka ah, taasi oo sharci daro ah, cida wax jidaynaysa iyaga maaha, sharcina ma jidayn karaan, dhaqaalaha la jideeyayna ma qaadi karaan, waana sharci daro" ayuu yidhi Khaliif.

Xeerka caymiska ayaa wali horyaala golaha wakiilada, oo ka doodaya meel marin tiisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]