7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 12, 2022
Madaxweyne Qoorqoor oo barlamaanka Galmudug ugudbiyay musharraxiin aqalka sare ah

Sabti, Febraayo, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo saaray liiska Musharixiinta u tartamaya xubintii ugu dambeyday ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda Federalka Soomaaliya.

Kursigaan aqalka sare ayaa waxaa ku tartamaya labo nusharrax oo lagu kala magacaabo Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Maxamed,

Barlamaanka Galmudug ayaa u farriisan doona doorashada kursigan oo qeyb ka ah 8 kursi oo Galmudug ay ku leedahay barlamaanka aqalka sare.

Kursigan Waxaa horay ugu fadhiyay oo ka tanaasulay Senator Yuusuf Geele Ugaas Dhagey oo ahaa ninka kaliya ee galay labo doorasho Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online