7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 12, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb
 

Sabti, Febraayo, 12, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug kusoo gabagaboobay doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo tirsigiisu yahay HOP 25, waxaa kusoo baxay Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo helay codad gaaraya 100 cod, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Xasan Cali Cismaan.

Kurasiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 81, oo ahaa kursi ay ku tartami lahayeen laba dumar ah ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Cali Maxamed oo heshay 71 cod oo si gacan taag ah loogu codeeyay, kadib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabeey oo la tartami laheyd.

Doorashada labadaan kursi ee Maanta lagu doortay Dhuusamareeb ayaa u muuqatay mid natiijada guuleystayaasha soo baxaya in lasii ogaa maadama labada Musharax ee guuleysatay doorashada ka hor xogta soo bixitaankoodu aheyd mid banaanka taala sida aan ku daabacnay warbixinteeni hore ee saakay ka hor inta aysan doorashada bilaaban.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online