7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 12, 2022
Doorashada Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb
 

Sabti, Febraayo, 12, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug iney ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Kuraasta Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 25, iyo HOP 81, waxaana kursiga sumadiisu yahay HOP 25, ku wada tartamaya Musharaxiinta kala ah Maxamed Abuukar Cali oo loo yaqaano Jacfar iyo Xasan Cali Cismaan, waxaana kursiga loo sii saadaalinaya inuu kusoo bixi doono Maxamed Abuukar Cali Jacfar.

Kursiga labaad ee doorashadiisa Maanta ka dhaceyso Dhuusamareeb oo sumadiisu yahay HOP 81, waxaa ku wada tartami laba Musharax oo dumar ah, kuwaas oo kala ah Cadar Cali Maxamed iyo Nasro Maxamed Dalabeey, waxaana kursiga loo sii saadalinaya iney kusoo bixi doonto Cadar Cali Maxamed.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soo socda ee 11-aad ee dalka ayaa ah kuwa inta badan lasii ogyahay Musharaxiinta kusoo bixeysa doorashooyin kuraasta qaarkood, waxaana la filaya in doorashada kuraasta Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo oo ay ka dhiman tahay 12 maalmood oo qura.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online