7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 12, 2022
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay baarista muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday xadka Turkiga iyo Giriiga

Sabti, Febraayo, 12, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Labada Wasiir ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaaladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhexaysaTurkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo la wadaagay dareenka ay ka muujiyeen bogsashada Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Marwadiisa Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dhowaan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online