Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi oo shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 7 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka


Sabti, Febraayo, 12, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayay ku shaaciyeen in diiwaan gelinta 7 kursi inay bilaabaneyso 15-ka bishan Febraayo oo ku beegan maalinta Talaadada ee soo socota.

Kuraasta guddiga uu shaaciyay qabashada doorashadooda ayaa kala ah HOP 212, HOP 207, HOP 246, HOP 258, HOP259, HOP 243, HOP 206, waxaana doorashada kuraastan ay dhaci doonta 16-ka bishaan Febraayo oo ku beegan Arbacada soo socota.

Hoos ka akhriso Jadwalka ay shaaciyeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online