5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2021
Ollolaha doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka Somaliland oo soo idlaaday


Jimco, May, 28, 2021 (HOL) - Ollolihii doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada Somaliland oo bilaabmay 23 bishan May, ayaa maanta soo idlaaday, waxana soo afmeeray xisbiga Waddani, oo maalintiisi ugu danbaysay isku soo baxay.

Xisbiga Waddani oo soo afmeeray ollolaha lixda cisho ahaa, ayaa isu soo baxyo ka sameeyay dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo maalinta ugu danbaysa ee ollolaha kaga qayb galay magaalada ganacsiyeedka Tog-Wajaale, ayaa sheegay in doorashadani qiimo weyn ugu fadhido Somaliland.

“Doorashadani Somaliland qiimo badan ayay ugu fadhidaa, wakhti badan bay qaadatay in lagu heshiiyo, dunida oo dhamina way soo eegaysa, safiiro badan ayaa inoo imanaya markii ugu horaysay” ayuu yidhi.

Ollolaha doorashooyinka deegaanka iyo waakiiilada ee Somaliland, oo socday muddo 6 cisho ah (23-28 May), ayaa waxa ka qayb qadanayay musharixiin ka kala socda xisbiyada Waddani, UCID iyo Kulmiye.

Maal maha ollolaha doorashooyinka ayaa doorkan aad u koobnaa oo ahaa 6 maalmood oo kaliya oo xisbi kasta lasiiyay 2 maal mood, halka barigii hore ollolaha doorashadu socon jiray ugu yaraan 21 maalmood.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]