7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2021
Booliiska Garowe oo xiray Fannaan Sharma Boy oo galay shil gaari oo dhimasho sababay
 Facebook /Dal-daare

Jimco May, 28, 2021 ( HOL ) - Ciidamada booliiska Garowe ayaa xiray fannaanka dhalinyarada ah ee Sharmaarke Cabdinaasir Maxamed oo loo yaqaano Sharma Boy, kaas oo loo haysto inuu masuul ka yahay shil gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Maanta barqadii, gaari nuuca raaxada ah oo uu darawal ka ahaa Sharma Boy, ayaa ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo waqooyi kaga beegan Garowe, halkaas oo ay ku dhimatay gabadh lagu magacaabo Siciido Jaamac Mire iyo dhaawaca Cabdi Naasir  Shaalle.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Nugaal, gaashaanle sare, Maxamed Jaamac aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in kiiskaan la baaridoona jawaab degdeg ahna lagasoo saaridoono dhawaan.

Fannaanka Sharma Boy ayaa falkaan la kulmay xilli uu maalmo kooban ku sugan yahay magaalada Garowe, halkaas oo uu u tagay inuu ku qabto bandhig faneed iyo arrimo kale oo fankiisa quseeya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online