7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2021
Shil gaari oo ku dhaawacmay fanaan dhalinyaro ah iyo geerida qof shacab ah oo ka dhacay duleedka Garowe

Jimco May, 28, 2021 ( HOL ) - Shir gaari oo ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Garowe ayaa sababay geerida  qof shacab ah oo dumar ah iyo dhaawaca qof kale oo ahaa fannaanka dhalinyarada ee Sharma Boy sida ay HOL u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Fannaan Sharma Boy oo uu soo gaaray dhaawac fudud ayaa la sheegay inuu waday gaariga shilka galay oo ahaa gaari yar oo kuwa raaxada ah.

Weli lama oga sababta shilka keentay. Laamaha taraafikada ayaa baaraya.

Gaariga shilka gaalay wuxuu marayay meel ku dhow tuulada Buurawadal oo waqooyiga kaga beegan magaalada Garowe.

Waxaa sidoo kale gaariga shilka galay la socday fannaanka lagu magacaabo Maslax Mideeye oo isagu la caddeeyay inaanu waxba kasoo gaarin shilka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online