7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2021
Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Baydhabo
 

Jimco May, 28, 2021 ( HOL ) - Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taal suuqa weyn ee lagu iibiyo Jaadka, waxaana ka dhashay qaraxaasi khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa sheegaya in ilaa Sedax qof aay ku dhinteen qaraxa waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo baaritaano ka bilaabay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Lasoco wararkan waxii kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]