7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2021
Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaano badan, kadibna gubay xarumo Shabaab lahayeen
 

Jimco May, 28, 2021 ( HOL ) - Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xoogan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay iney gubeen xarumo aay ku lahaayeen gobolka Sh/dhexe dhaqdhaqaaqa Al-shabaab sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaanshi.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka oo la hadlayay Iddaacada ku hadasha afka ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada xoogga aay ka guuleysteen Al-shabaab, kana saareen fariisimo muhiim u ahaa oo aay ku lahayeen gobolka Sh/dhexe.

“ Waxay ciidamadu gubeen saldhigyadii iyo xarumihii kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanada laga saaray sida deegaanka War Ciise iyo deegaano kale” ayuu yiri afhayeenka ciidamada gaashaanle sare Cali Xaanshi.

Afhayeenka ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga dalka aay wadaan howlgalo kale oo lagu sii baacsanaayo Al-shabaab, waxaana howlgalkaasi hoggaaminaayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Deegaanada la sheegay in howlgalada aay kula wareegeen ciidamada xoogga dalka waxaa ka mid ah deegaano ku yaala Bariga magaalada Jowhar oo kala ah War ciise, Gaal leef, War dhagax, Jilable, Cali Fool dhoore, iyo Qoordheere.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]