7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 24, 2021
Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan oo fariin adag u diray Raysal Wasaare Rooble
 

Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo maanta gudaha magaalada Baledweyne kula hadlay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay warar sheegaya in kuraasta doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee taala Baledweyne loo wareejinayo degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uga baaqay inuu ka fogaado qorshaha lagu doonayo in kuraasta deegaan doorashada Xildhibaanada ee taala Baledweyne lagu doonayo in Jowhar loogu wareejiyo.

Wuxuu sidoo kale Jenaraalka uga digay madaxeynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe inuu faraha kala baxo kuraasta Xildhibaanada lagu dooranayo Baledweyne hadii kalana aay cawaaqib xumo ka dhalan doonto hadii la isku dayo in kuraastasi loo wareejo Jowhar.

"Waxan ka digaya in Cali Guudlaawe oo awalba sharci darro lagu doortay inuu hadana si sharci daro ah kuraasta ugu wareejisto Jowhar, waxaan cadeynaya in aniga aan awoodno ilaa xamar iney ciidamadeyda gali karaan" ayuu yiri Jenaral Abuukar Xuud.

Hadalka Hogaamiyaha Kacdoonka Hiiraan Abuukar Xuud ayaa imaanaya xili dadka indha dheeya arrimaha siyaasada aay sheegayaan in kuraasta deegaan doorashada Baledweyne la doonayo in loo wareejiyo magaalada Jowhar oo ah Caasimada Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]