7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 24, 2021
Culimada Soomaaliyeed oo war kasoo saaray Shirka Wadatashiga Qaran ee ka Socda Teendhada Afisyooni
 

Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) - Kulankan aay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Culimada Soomaaliyeed ayaa waxay kaga hadleen shirka wadatashiga Qaran ee uga socda Teendhada Afisyooni madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Culimada Soomaaliyeed ayaa kulankooda kasoo saaray War-saxafadeed warbaahinta loo akhriyay waxayna sheegeen in ugu horeyn aay soo dhaweynayaan shirka u socda madaxda dalka ee looga hadlaayo dhameystirka heshiiskii 17-ka September iyo waliba xal u helida khilaafka daba dheeraaday ee caqabada ku noqday arrimaha doorashooyinka dalka.

Culimada Soomaaliyeed waxay sidoo kale sheegeen iney muhiim tahay in si deg deg ah heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka, islamarkaana laga fogaado wax walba oo keeni kara kala fogaasho iyo khalalaase ka dhaca dalka.

Gabagabadii Culimada waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya iney taageeraan dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho loo dhan yahay.

  

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]