7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 24, 2021
Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray xaalada dalka iyo shirka doorashooyinka
 

Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay shirka madaxda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sida habsamida leh uga socda Teendhada Afisyooni ee nagaalada Muqdisho.

Qoraalka uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu bogaadiyay  shirka wadatshiga Qaran iyo dadaalada uu wado Raysal wasaare Rooble, isagoona ku booqay in saamileyda siyaasada iney kaalin weyn ka qaataan sidii shirkan uu ku noqon lahaa mid mira dhala oo natiijoyin wanaagsan aay kasoo baxaan.

"Khatarta manta dalka heysata ma ahan oo kaliya in hay'adahii Fedaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyada ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaasha sharci dejinta, golahii fulinta oo inta badan cuuryaansan, hay'adahii amniga ayaa kala qeybsan, hadaba xaalada aay ku sugan yihiin hay'adaha Fedaraalka ayaa keeni karta in nabadgalyeda dalka aay qar kasii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadawga" ayaa lagu yiri qoraalka madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu aad uga welwelsan yahay in nidaamkii deyn cafinta ee mudada sideeda sano soo socday uu gabi ahaanba burburo, taasi oo ka dhalan karta ayaa lagu yiri natiijooyin aanan la mahdin doonin oo dhaqaalaha dalka oo awalba liitay hoos usii dhigi doonto.

Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]