7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 24, 2021
Mareykanka oo cunaqabateyn dhaqaale iyo mid amni kusoo rogaya Itoobiya
 

Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay xayiraad dhinaca fiisaha ah kusoo rogtay saraakiisha Itoobiya iyo Eriteriya ee lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka 6-da bilood jirsaday ee ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay saraakiishaan in aysan qaadin talaabooyin macno leh oo lagu joojinayo colaadda.

"Dadka ku nool Tigreega waxay la kulmayaan  xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Waxaana gargaarka bani'aadamnimada  horjoogsanaya militariga Itoobiya iyo Ereteriya iyo sidoo kale jilayaasha kale ee hubeysan," ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

Blinken ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in xayiraad ballaaran oo ku saabsan kaalmada dhaqaale iyo amni lagusoo rogayo Itoobiya, isagoo intaa ku daray in Mareykanku uu sii wadi doono gargaarka bani'aadamnimo sida caafimaadka, cuntada iyo waxbarashada.

Colaadda gobolka Tigray ayaa qaraxday horaantii bishii Nofeembar ee sanadkii 2020, kadib markii Raiisel wasaare Abiy Ahmed uu ciidan u diray gobolkaas, si ay usoo xiraan hubkana uga dhigaan hogaamiyaasha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael

Ciidamada Eriteriya oo la midoobay militariga Itoobiya ayaa lagu eedeeyay xasuuqyo badan iyo gabood fallo kale intii lagu jiray dagaalkii Tigray. Inkastoo Asmara ay beenisay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online