7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 24, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay guddoomiyaha aqalka sare

Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankaan ayaa  ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Tani waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku doonayo in dhamaan saamileyda siyaasadda in taladooda ay ku biiriyaan geedi socodka dhameystirka  Hishiiskii 17ka Septeembar oo aasaas u ah Shirka Qaran ee soconaya lana filayo in lagu heshiiyo". ayuu yidhi Macalimuu

Raysal Wasaaraha oo hoggaaminaya shirka qaran ee wadatashiga doorashooyinka ayaa ku mashquulsan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hortaagan qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Khilaafyada hadda taagan waxaa kamid ah guddiga maamulaya doorashooyinka xidlhibaanada gobolada waqooyi, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka hor yimid guddi horey dowladdu u magacowday oo qeyb ka ah guddiga doorashooyinka.

Cabdi Xaashi oo aan hadda qeyb ka ahayn shirka Muqdisho ka socda ayay u muuqataa in raysal wasaaruhu si gaar ah ugala hadlayo arrinta xildhibaanada Somaliland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online