7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 17, 2021
Wafti ka socda Jamhuuriyada Jabuuti oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa
 

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) - Dowlada Jabuuti ayaa wafti ka kooban 31 xubnood oo uu hogaaminayo xogeeyaha guud ee raysal wasaraha Jabuuti Nagiib Cabdalle Kamil, usoo dirtay Hargaysa si ay uga qayb galaan munaasibada 18 May.

Xubnaha waftiga Jabuuti ayaa waxa madaarka Cigaal ee caasimada Hargaysa kusoo dhaweeyay, wasiir ku xigeenka ahna kusimaha wsiirka arrimaha dibada Somaliland Libaan Yusuf Cismaan iyo saraakiil sar sare oo katirsan xukuumada Somaliland.

Xogeeyaha raysal wasaaraha Jabuuti Nagiib Cabdalle ayaa ka warbixiyay ujeedada safarka waftiga Jabuuti.

“Aad baanu ugu faraxsanahay soo dhawaynta nala soo dhaweeyay, dhulkeeni labaad ee Somaliland oo aanu u nibidnay xaflada sanad guurada 18 May, oo aanu ka qayb gali doono barritoole” ayuu yidhi.

“Labad dal oo walaalo ah ayaynu nahay, in aanu nimaadna waajib bay nagu ahayd, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa nasoo diray” ayuu hadalkiisa ku daray.

Munaasibada sanad guurada 30aad ee tan iyo markii ay Somaliland ka noqotay midowgii ayla gashay Soomaaliyada koonfureed ayaa ku began maalinta barri ah ee 18 bishan May.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]