7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 17, 2021
Muqdisho: Wasaaradda Shaqada oo baabi'isay dhammaan heshiisyada ay la gashay shirkadaha Shaqaalaha Dibadda u qaada
 

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) -  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa shaacisay inay baabi'isay dhammaan heshiisyadii ay horey u lagashay Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaali ah dibadda ugu dhoofiyaan, si halkaa uga shaqeeyaan.

“Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu horey u lagashay Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu dhoofin karaan” ayaa lagu yiri wareegtada oo uu ku saxiixnaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdi Axmed Qaasim.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaaradda ay dib u bixin doonto ruqsada shirkadaha Shaqaalaha dibadda u qaadi kara.

Hoos ka akhri wareegtada;-


Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]