7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 17, 2021
Faysal Cali Waraabe “ Waanu joojinaynaa wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ”
 

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay joojinayaan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo ku sababeeyay in dowlad lala-hadlaa anay Soomaaliya kajirin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka taliyaan 5 madaxweyne oo anay jirin cid lala hadli karo.

“Maxaynu kala hadalaa Soomaaliya ma dowlad baa ka jirta, kama jirto dowladi, waa 5 madaxweyne, waa 5 reer, horta dowlad ha dhisteen” ayuu yidhi Faysal.

“Dowlad ha dhistaanoo hayska daayaan riyadan Soomaaliyeed, Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray.

Faysal ayaa ku andacooday in caruurtii dowladii Kacaanka Soomaaliya ay Muqdisho xukumaan.

“Caruurtii Kacaanka oo jaamacado kasoo baxay, oo xeryaha qoxootiga laga soo qaaday, ayaa maanta Muqdisho xukuma, la hadlimayno” ayuu yidhi.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhawr jeer fagaaryaal kala duwan ka sheegay in ay joojinayaan wada-hadaladi u dhexeeyay Somaliland iyo dowlada Soomaaliya, inkastoo anay dowladu war rasmi ah kasoo saarin arrinta wada-hadalada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]