7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 17, 2021
Guddiga Arrimaha Fatahaaddaha Hirshabeelle oo ka hor yimid warkii ka soo yeeray Wasaarradda Maaliyadda DF

 

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) -Guddiga Arrimaha Fatahaada ee Maamulka Hirshabelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda,Dowladda Federaalka oo leysaga difaacay eedeyntii loo jeediyay ee aheyd in ay is hortaageen mashaariic wax lagaga qaban lahaa Fatahaadaha ku soo noqnoqday deegaannada uu maamulku ka arrimiyo.

Guddiga ayaa sheegay in sagaal bilood ay ka soo wareegatay heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Hirshabelle

''Haddii mas’uuliyad la iska saari lahaa in lagu fulin karay mashruucan muddo kooban dhibaatadaasna kuma dhacdeen shacabka Hirshabelle'' ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddiga.

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]