7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 17, 2021
Guddoomiyaha xisbiga UCID “Dadka inala-jooga halkan ee reer Soomaaliya iyo reer Itoobiya xuquuq ay ku codeeyaan malaha”
 

Isniin, May, 17, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa taageeray hadal kasoo yeedhay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland oo nuxur kiisu aha in dad aan asal ahan kaso jeedin Somaliland anay codayn karin.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in sida distoorka Somaliland sheegayo kaliya ay codayn karaan dadkii Somaliland ku dhaqnaa 1960 iyo wixii ka horeeyay.

“Wasiirka waa runtii, distoorka Somaliland waxa uu sheegayaa, waxa reer Somaliland ah beelihii ku noola Somaliland 1960 iyo wixi ka horeeyay” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya ee Somaliland ku dhaqani anay lahayn xuquuq ay ku codeeyan maalinta doorashada.

“Dadka inala jooga halkan ee reer Soomaaliya iyo reer Itoobiya xuquuq maleh ay ku codeeyaan” ayuu yidhi.

Faysal ayaa wasaarada arrimaha guddaha usoo jeediyay in dadka aan asal ahaan kasoo jeedin Somaliland u samayso sharciyo ay Somaliland ku joogan.

“Waxanu usoo jeedinaynaa arrimaha guddaha in ay tiro koobto dadka halkan jooga ee reer Soomaaliya oo ay sharci ku joogaan, oo ciqaamado loo sameeyo” ayuu yidhi.

“Waa in ciqaamadaha sanadkiiba mar loo cusboonaysiiyaa, oo dhaq dhaqaaqooda lala socdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in qofkii aan Somaliland sharci ku joogin la mastaafurin doono.

Guddoomiyaha oo hadalkan ka jeediyay xaflad uu xisbiisu laha, ayaa taageeray wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha Somaliland oo sheegay in ay sharciga marin doonaan qofkii aan reer Somaliland ahayn ee isku daya in uu codeeyo.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]