
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Allaha ha u naxariistee waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Jigjiga labo ganacsade oo walaalo ahaa oo maanta gacan ka xaq daran ku dishay meel u dhaw magaalada Jigjiga oo Malawle lagu magacaabo.
newsinside Marxuumiintan ayaa waxaa dilay nin ay isku reer ahaayeen
labada marxuum, waxayna is hayeen dhul, wuxuuna dilku dhacay galinkii
hore ee maanta.
Madaxwaynaha
DDS Mustafe Cagjar oo aaska marxuumiinta joogay ayaa aad uga xumaaday
dilka foosha xun ee dhacay maanta isagoo geesta kale tacsi u diray
eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadan marxuum ee walaalaha ahaa.
Dilalka
noocan oo kale ah ayaa ku badan badanaa dhulalka ay isku hayaan dadka
walaalaha ah ee wada dhashay ama isku qoyska ah walina ma jirto tallaabo
cad oo ay dawladdu ku yaraynayso ama kusoo afjarayso arrimaha la
xidhiidha dhulka ay isku hayaan dadka Shacabka ah.
Maamulka
Hiiraan Online iyo Shaqaaluhuba waxay tacsi u dirayaan dadkii ay ka
baxeen Xaaji Maxamed Cali Mahdi iyo Walaalkii Xaaji Yusuf Cali Mahdi oo
maanta gacan ka xaqdarani ku dishay duleedka magaalada Jigjiga, waxaana
lagu aasay Xabaalaha dudahide ee magaalada Jigjiga.