Xukuumadda Somaliland oo cambaaraysay weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ku soo qaaday
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta kalfadhi aan caadi ahayn iskugu yimid sidii ay iskaga difaaci lahaayeen dagaalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku soo qaaday dawlada SOomaaliya.
Shirkan aan caadiga ahayn waxa
shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi, waxaana ku wehelinaayey madaxweyne ku
xigeenka C/raxmaan Saylici, kuwaas oo cambaareeyey Weerarka Siyaasadeed iyo
Dhaqaale Ee Ka Soo Yeedhaya Soomaaliya
“Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay
golaha wasiirradda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne
ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici),
ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku
hayo Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii
aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah
carqaladaynta dhaqaalaha Somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland
ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.”ayaa lagu yidhi
war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Waxaana intaas lagu sii daray
“Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee
maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa
cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.Waxa aan
marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku
dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga.
Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha
Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.
Dawladda Somaliland waxay si
ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada
geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay
Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.”
Sidoo kale, waxa golaha
wasiiradda lagu go’aamiyey in suuqyo ganacsi oo kale oo cusub loo raadiyo
iibgeynta laf dhabarta dhaqaalaha ee xoolaha nool.
Si kastaba ha ahaatee, markab
Xoollo ka qaaday dekada Berbera ayaa dhawr maalmood ku xayirnaa dekadda Jidda
ee Sucuudiga ka dib markii dawladda Soomaaliya amartay in aan xoolahaasi sidan
rusqadii caafimaad ee dawlada Soomaaliya, taasina ay keentay muran ah in la soo
celiyo in aan la soo celin, ugu dambeynta maanta la fasaxay in laga dajiyo
xoolahaasi.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.