Puntland oo diyaarinaysa shirkii u horreeyay ee maalgashi


Isniin, July,15,2019 (HOL)-Puntland waxaa ka socda qaban qaabo loogu jiro shir weynaha maalgashiga, oo lagu tilmaamay midkii ugu horreeyay ee lagu qabanayo.

newsinsideMadaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa horaantii sannadkan kaga dhawaaqay shirkaa magaalada Garoowe, waxaana qorshaha uu yahay in la qabto 15ka bisha September ee sannadkan.

Wasiirka Ganacsiga , Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa ujeeddada shirka ku sheegay inay qeyb ka tahay inay ka faa’ideystaan maalgalin caalami ah oo loo helo soo saarista khayraadka dihan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]