Isniin, July, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka martida ee magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday hay'adda Qaramada Midoobay.
Kulankan oo lagaga hadlay qodobbo kala duwan ayaa marka uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.
Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland.
Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga tacsiyeeyay weerarkii Argagixisonimo ee lagu qaaday Hotel Madiina (Cascaseey) waxaa safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay maamulka iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso.
Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland.
Waxaa uu intaas ku daray in ay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana masuuliyadeeda ay leedahay dowlad-gobolleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo xildhibaannada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.
[email protected]






