Wasiirka waxbarashada oo xarigga ka jaray qeyb ka mid ah xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta



Isniin, July,15,2019 (HOL)-Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sameynayo, isla markaana ay maalgelinayso Midowga Yurub.

Munaasabada xarig jarka ayaa lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo runtii astaan u ah sharafka iyo qiimaha ummadda Soomaaliyeed.

newsinsideWasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay Soo nooleyta ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

"Waxaan maanta xariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sameynayo, isla markaana ay maalgelinayso Midowga Yurub. Waxaa goobtaasi lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo runtii astaan u ah sharafka iyo qiimaha ummadda Soomaaliyeed. Muhiimad gaar ah ayey inoo leedahay dayactirka xaruntan oo howla muhiim ah u haya bulshada Soomaaliyeed.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]