10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2019
Xaalada magaalada Muqdisho oo caawa kacsan iyo rasaas laga maqlayo waddada Maka-Al-Mukarama

 

Khamiis, Feberaayo, 28, 2019 (HOL)- Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caaw ah mid kacsan kaddib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay wadadda Maka Al-Mukaama oo lagu arko ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Marka laga soo tago weerarka Ismiidaamin ah oo lagu qaaday hotelka Maka- Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale qarax labaad laga maqlay meel aan ka fogeyn hotelka Naasa-Hablood ee KM4, inkastoo qaraxan danbe uusan wax saameyn ah yeelan.

Rasaas goos goos ah ayaa wali lagama maqlayaa agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya shaki ay ciidamadu ka qabaan in ay jiraan maleeshiyaad ku dhuumaaleysanaya dhimayaasha ka agdhaw goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa dumay uu bur buray dhismayaal ku yaala hareeraha waddada Laamiga ah, gaar ahaan agagaarka hotelka Maka Al-Mukarama oo loo maleynayo in ay ku hoos jiraan dad meyd ah, madaama waqtiga uu qaraxu dhacay goobtu aheyd mid aad u mashquul badan.

Waxaa goobta yaala  oo burburay gaadiid faro badan oo marka uu qaraxu dhacayay halkaa u taagnaa baaritaanno ay wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Qaraxyada caawa ayaa imanaya xili maanta ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar uu sheegay in la wiiqay awoodii ururka Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]