Puntland: Ciidan dheeraad ah oo la geeyay Gaalkacyo


Khamiis, Feberaayo,28, 2019 (HOL)- Ciidan dheeraad ah oo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo, iyagoo billaabaya howlgallo lagu xasillinayo xarunta gobolka Mudug.

newsinsideTaliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ,Cabdishukri Cabdulaahi Xuseen oo hoggaaminayay ciidammada dheeraadka ah ee maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in la billaabo doono howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo loogu magac darray  ‘Caasho maxay galabsatay’.

Caasho, waa gabar 12 jir ah oo saddex maalin ka hor u geeryooday kufsi iyo jir dil,waxaana dhacdadaa ay dhalisan kacdoon bulshada,iyadoo dadweynaha ay dalbanayeen in hay'adaha ammaanka ay wax ka qabtaan xaaladda amniga ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiishu ma sheegin haddii ay jiraan saacado bandow ah, balse howlgallada ayaa la sheegay in si guud ciidammadu uga fulin doonan magaalada Gaalkacyo.

Bishaan aan ku jirno ee feberaayo ugu yaraan 4 dil iyo 5 kufsiya ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, sida u sheegay duqa degmada Gaalkacyo, Yaasiin Cabdisamad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]