Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Musatafe Cagjar oo xalay soo gaadhay magaaladda Hargeysa

 

Khamiis, Feberaayo, 28, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa xallay fiidkii soo gaadhay magaaladda Hargeysa, waxaanu maanta ka qaybgallayaa dhagax dhiga jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaan Berbera Corridor.

newsinside Wasiirrada arrimaha gudaha, hawlaha guud, iyo wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland iyo maamulka gobolka Gabiley ayaa madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya ku soo dhaweeyey magaalada Wajaale, waxa kale oo soo dhaweyntaas ka qaybqaatay boqolaal dadweyne ah oo si xamaasad leh u qaabiley Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in weftiga madaxweyne Mustafe Cagjar ay Somaliland u yimaadeen hawlo shaqo oo labada dal la xidhiidha, waxaanu u mahadceliyey dadweynihii sida walaaltinimada leh u soo dhaweeyey.

Waxaana weftigaas xalay u hoyden magaalada Hargeysa, oo lagu wado inuu la kulmi doono madaxweynaha Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

"Madaxweynaha dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya mudane Mustafe Muxumed Cagjar oo booqasho rasmiya ku yimid Somaliland ayaanu si wanaagsan ugu soo dhaweyney degmadda Togwajaale, madaxweynaha iyo waftigiisana waanu soo dhaweyneynaa"ayuu yidhi Maxamed Kaahin wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Sidoo kale, waxa iyaguna maanta ka soo degaya madaarka Hargeysa wasiiro ka socda Fadaraalka Itoobiya oo ka qaybgalay dhagax dhiga jidkan cusub ee ay maalgalinayso shirkadda DP WOLRD.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland