Ciidamada AMISOM oo bilaabay in ay isaga guuraan kulliyaddii Jaalle Siyaad

 

Khamiis, Feberaayo, 28, 2019 (HOL)- Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay bilaabeen inay ka baxaan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla jidka Warshadaha oo mudo tobanaan sano ah saldhig u aheyd.

newsinside Mas’uuliyin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka,Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa Kulliyadda ku sugan waxaana ka socota munaasabad ay AMSISOM ku wareejineyso xarunta Kulliyadda.

In kastoo maanta ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay ka guureen Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa hadana waxaan weli la shaacin halka ay degayaan,hayeeshee kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa lagu wareejinayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Waa saldhigii Saddexaad ee ciidamada AMISOM ay ka guuraan Magaalada Muqdisho,waxaana ay horay uga guureen Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]