Khamiis, Feberaayo, 28, 2019 (HOL)- Shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa looga hadlay arimo kala duwan oo ay ugu weyntahay arimaha doorashooyinka ka bilaaban doona Jubbaland.
Shirkan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Jubbaland, madaxda gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland ayaa looga dooday sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada guud ee Jubbaland islamarkaana marxaladda doorashooyinka ay ugu qabsoomi lahayd si nabadgelyo ah.
Shirka ayaa markii uu soo idlaaday qodobada warbaahinta loo soo bandhigay ee ay madaxdu isla qaateen waxaa kamid ah;
In ciidamada kala duwan ee dowladda la faray in aysan ku lug yeelan arimaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed, waxaana ciidamada kala duwan ee dowladda la faray in ay ku shaqeeyaan awaamiirta saraakiishooda iyo amarrada kasoo baxa dowladda islamarkaana aysan marna qeyb ka noqon bandhig siyaasadeed ama olole doorasho.
newsinside Shaqaalaha dowaldda ayaa iyaguna lagu maray in aysan ka qeybgali Karin ololaha doorashooyinka ayadoo ciddii lagu helo la sheegay in laga qaadi doono tallaabooyin sharciga waafaqsan, golaha ayaa isku raacay in shaqaalaha dowladda ay reebantahay ka qeybgalka arimaha siyaasadda.
Hadalheynta ugu badan ee deegaanada Jubbaland ayaa ah doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee dhawaan ka dhici doonta Jubbaland, ayadoo magaalada Kismaayo ay soo gaareen qaar kamid ah musharixiinta u loolameeysa xilka madaxtinimo ee Jubbaland.
Ololaha Musharixiinta u taagan kuraasta Baarlamanka ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbaland, ayadoo baraha bulshada ay isticmaasho ay dadku aad u wadaagayaan sawirro musharixiin u badan dhalinyaro oo u taagan kuraasta baarlamanka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.



