4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Xarrakada Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay waxyaabihii ay isku qabteen Mukhtaar Rooboow

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war ka soo saaray mowqifkooda ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo wada hadal kula jira dowladda Soomaaliya, isla markaana isku soo dhiibay bishii August ee sanadkii hore, bil kaddib markii uu Mareykanka ka saaray liiska argagixisada.

Hadalka Afhayeenka Al-shabaab ayaa sidan u dhignaa : 

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay in muddo uu soo jiray kala duwanaansho u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Mukhtaar Roobow, isagoo xusay inuu isugu jiray dhowr arrimo oo ay ka mid tahay Caqiidada.

“Arrinta koowaad waxaa la ogsoon yahay in dalka ay aad ugu baahsanaayeen Hey’addo kirishtaan ah oo ku gambanayay inay yihiin Samafal, waxay dalka ku hayeen boob, raggaadin dhaqaale, waxay faafinayaan kirishtaanimo, anshax xumo iyo Laakiin markay Allah mahadiis hanaqadeen wilaayaatka islaamiga, waxay bilaabeen mujaahidiintu iney daba galaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen Wilaayaatka Islaamiga, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee kirishtaanku ay ka wadeen dalka, Arrintaasi way u cuntami waysay muktaar roobaw, waxayna ku bixisay in uu garabka saaro hay’adaha gaalada, difaacana ajandayaashooda gurracan, isagoo lalahaa xiiriro hoose, kulano iyo shirar qarsoodiyaoo uu la qaadanayey”ayuu yiri Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay tallaabo ka qaadaan hey’adahaas, isla markaana laga mamnuucay deegaanada ay ka howl galayeen, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in Mukhtaar Roobow uu sii waday xiriirka uu la lahaa hey’adaha, isla markaana dhowr jeer oo hore ku goodiyay inuu ka baxayo Al-Shabaab, kana hadlayo warbaahinta, isla markaana dhaleeceynayo hadii aan loo yeellin sida uu doonayo.

Cali Dheere ayaa sheegay in arrinta labaad ee uu doonayay Mukhtaar Roobow ay aheyd inuu u hoggaansamo dalabaadka Beesha Caalamka, isla markaana wada hadal lala galo dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay in la isku la isku dayay in mujaahidiinta la kala jabiyo lana dacmiyiyo Muqtaar Roobow balse laga hor tagay arrintaas shirqoolka ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aankaas uma cunanmin Mukhtaar Roobow, aakhirkiina waa tan keentay inuu u hogaansamo waxa loogu yeero beesha caalamka iyo dowlada ridada ee ay beesha caalamku dhisatay si ay ugula dagaalamaan ku dhaqanka sharciga Alaah” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu marar badan isku dayay shirqoolo, isagoo ku sugan deegaanada Shabaabka joogeen, isla markaana isku daygii ugu dambeeyay uu ku baxay, balse aysan ka hortageen sidii loogu tala galay.

“Qorshaha ay gaaladu damacsaneyd ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowlada mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowlada itoobiya.

Allah mahadii waxaa ah in hubkii loo soo dhiibay in badan oo ka mid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.

Hadafka ay lahaayeen gaaladuna wuxuu ahaa in ay ugu suureeyaan ummada inuu yahay dagaal u dhaxeeyo dad muslimiin ah ka hor tageen, gacantana ku dhigeen hub ay shisheeyuhu usoo dhiibeen”ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay ugu danbeyntii in aysan Mukhtaar Roobow u hirgeli doonin qorshaha uu wato, isla markaana uu mari doono wadadii ay mareen raggii isaga ka horeeyay oo uu soo hadal qaaday Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]