4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Beesha Tanade ee Minnesota oo Taageertay Go'aan waxgaradkoodu ku gareen Gaalkacyo

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) –Jaaliyadda Beesha Tanade ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u taageertay go’aankii dhawaan kasoo baxay shirkii aayo ka tashiga ee beesha Tanade ee lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Beesha Tanade oo ah mid ka mid ah sadaxdii xisbi ee lagu dhisay Puntland kuwaas oo kala ahaa SSDF,SNDU & USP, ay si buuxda kal-soonidii kala noqotay maamulka Dowlad Goboleedka Puntland.

Kulan aad u balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Isimo, Nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad, culumo’udiin, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayay jaaliyaddu ku sheegtay in ay taageero u hayaan waxii ka soo baxay shirkii ka dhacay magaaladda gaalkacyo ayna ayidsan yihiin qodabadii shirkaas.

 Barnaamijkii Taageerada ahaa ee ka dhacay xarunta wayn ee shirarka Safari Hall ayaa waxaa lagu soo bandhigay Khudbado ka turjumaayey waxii keenay xiligaan inay beesha Tanade kalsoonidii kala noqoto Maamul Goboleedka Puntland taas oo ay ugu horeeyso in beeshu waydo saamigii ay ku laheed maamulkaas.

Waxaana intii uu socday Kulankaan lagu soo bandhihgay suugaan kala duwan oo ay soo bandhigeen xidigaha fanka ee Minnesota iyo gabayo dhaanto, buraanbur suugaantaas oo dhamaan ka turjumaysay taageerada go'aankii Beesha ee kalsooni kala noqoshada maamulka Puntland.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis ,MN