4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo ku gacan sayray qorshaha Trump

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka arinsanayay sida ay uga fal celinayaan go’aanka Maraykanku ugu soo rarayo safaaradiisa magaalada Qudus, ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Trump.

Cabbaas ayaa ku tilmaamay talaabadaa weji gabaxii qarniga, taas oo uu ugu dacal dhabayey tilmaantii uu Trump ku sheegay qorshaha nabada Bariga Dhexe ee Maraykanku wadaa in uu noqon doono heshiiskii qarniga.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiintu aanay ka qayb geli doonin qorshahaa mar hadii Trump si cad Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]