4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Wararkii ugu danbeeyay dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda Federaalka oo aad u hubeysan ayaa saakay howlgal ballaaran ka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe oo maalintii shalay dagaallo culus ka dhaceen.

Deegaanka Ceelka-Geelow shalay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeyay ciidamada Dowladda iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab oo deegaanka weerar ku soo qaaday.

Al-shabaab ayaa dagaalkaa shalay ka dhacay ku dilay ciidamo tirsan dowladda Soomaaliya sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha iidamada .

Ciidamo gurmad ah oo ka yimid magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa gaaray deegaanka, waxayna saakay wadaan baaritaano, iyaga oo raadjooga  raggii weerarka soo qaaday iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar kale in uu dhaco.

Al-shabaab ayaa u muuqda kuwo kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan waddada xiriirisa Jowhar iyo Balcad gaar ahaan degaanka Ceelka-Geelow, maadaama laba Todobaad gudihiisa ay weerareen laba jeer.

Kulan maalintii shalay magaalada Jowhar ay ku yeesheen xildhibaannada Hirshabeelle ayaa qodobadii looga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sugida Amniga Waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]