3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Saraakiil dhalinyaro ah oo markii ugu horeysay loo dhiibay hogaanka qaar ka mid ah saldhigyada gobolka Banaadir

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) – Arrintan ayaa u muuqatay tallaabo sare loogu qaadayo Tayada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay taliyayaal u qaadanaya saraakiil dhalinyaro ah oo ka baxday Jaamacadaha dalka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay taliska Booliiska in taliyayaasha ciidamada loo magacaabo dhalinyarada wax baratay ee da’yarta ah.

Labo ka mid ah dhalinyaradii ka baxday jaamacadaha ee ku biiray Taliska Booliska, oo dhawaan darajooyin loo xiray ayaa loo magacaabay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Shibis iyo Boondheere.

Cali Xasan Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Shibis, halka Cabdi Wakiil C/llaahi loo magacaabay taliyaha Booliska saldhiga degmada Boondheere, waxaa xilalka laga qaaday taliyeyaashii hayay oo ahaa kuwo aad uga da’ weynaa dhalinyaradan la magacaabay.

Waa dhiiri-galin taliska Booliisku u sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka wax ku baratay si ay qab uga noqdaan sugida Amniga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/15/2018 2:05 PM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war ka soo saaray mowqifkooda ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo wada hadal kula jira dowladda Soomaaliya, isla markaana isku soo dhiibay bishii August ee sanadkii hore, bil kaddib markii uu Mareykanka ka saaray liiska argagixisada.

1/15/2018 11:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka oo lagu gor-feynayay xaaladda amaan ee dalka, Xoojinta xiliga kala guurka iyo Wadashaqeynta hay’addaha amniga iyo Beesha Caalamka.

1/15/2018 7:18 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL)-Maxkamadda degmadda Berbera ayaa maanta xukunno ku riday laba suxufi oo uu hore usoo dacweeyey maayarka magaaladda Berbera Cabdicashuur Cidin.

1/15/2018 4:36 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL)–Waxaa dalka Canada magaalada Toronto ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fanaanaddii Weyneyd ee Hobollada Waabari Qadiijo C/llaahi Daleys.

1/15/2018 3:33 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’ada xaquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay sii joogteeyeen inay awood ku askareeyaan Carruur ah oo si xoog ah ehaladoodi uga wadanayaan bilihii lasoo dhaafay.

1/15/2018 2:32 AM EST
Jaaliyadda Beesha Tanade ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u taageertay go’aankii dhawaan kasoo baxay shirkii aayo ka tashiga ee beesha Tanade ee lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

1/15/2018 1:15 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.

1/15/2018 1:12 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka arinsanayay sida ay uga fal celinayaan go’aanka Maraykanku ugu soo rarayo safaaradiisa magaalada Qudus, ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Trump.

1/15/2018 1:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu waramayaa in weerar Jidgal ah ku qaadeen Al-shabaab.

1/15/2018 12:56 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Federaalka oo aad u hubeysan ayaa saakay howlgal ballaaran ka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo maalintii shalay dagaallo culus ka dhaceen.

1/15/2018 12:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) – Rag hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne Askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ,waxaana la sheegay in Ragga toogashada geystay qaateen Qorigii uu uu sitay Askariga.