Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Sida
uu warbaahinta sheegay dhakhtarka fuliyay
qalinkan oo lagu magacaabo Axmed Abdel Jelel haweeneyd ayeey dhibaatada
xannuunkani heysatay muddo ka badan 10 sano.
Maryan Sheekh Abuukar oo 54 sano
jir ah, waxaa ay ka timid tuullada lagu magacaabo Jameeco ee gobolka
Shabeellaha Hoose, waana qofka qaliinka lagu sameeyay ee laga soo saaray burcad
oo ka haleeshay Riximka ama ilmo
Galleenka, waxaana ay uga mahad celiysay adeegan loo qabtay dhakhaatiirta
Isbitaalka Somali Syrian.
Warbaahinta ayeey u sheegtay in
xannuunka burada ay meel badan oo ay tagtay loo sheegay in aan dalka gudihiisa
wax-ba looga qaban karin, laakiin ugu danbeyntii lagu guuleystay in laga soo
saaro.
Dr. Jelel ayaa sheegay in buradan
noqoneyso tii ugu weyneyd ee uu abid arko isagoo xusay in ay haweeneyda laga
qalay kaga tiilay meel halis ah, balse qaliin saacado badan qatay kaddib lagu guuleystay
in laga soo saaro
Agaasimaha qeybta caafimaadka ee Isbitaalka
Somali Syrian Dr. Xuseen C/casiis ayaa sheegay buradan ay tahay tii ugu weyneyd
mudooyinkan ee lagu soo saaro qaliin lagu sameeyey gudaha Somalia.
Agaasimaha ayaa sheegay in Isbitaalka Somalia
Siiriyaan ay ka howl galaan dhaqaatiir ku taqasusay cudurada guud, Maqaarka,
Cunaha, Sanka iyo Afka, Caruurta, Indhaha, Neerfaha, Dhalma la’aanta, Haweenka,
Qaliinka guud iyo Dhaqtarka Kaliyaha oo taqasus gaar ah leh.
Soomaaliya guud ahaan marka la eego sanadihii ugu danbeeyay waxaa ku soo badanayay dhakhaatiirta ajnabiga ah kuwaa oo dadka u qabta adeegyo caafimaad oo markii hore dhif iyo naadir aheyd in wax looga qabto gudaha dalka Soomaaaliya.
Haween-ka Soomaaliyeed ayaa inta badan ka cawda xannuunada Uur ku jirta, burooyin-kuna
waxaa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dhinaca caafimaadka ah ee
la soo darsa dumarka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]