4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Wasiirka arrimaha dibedda Eritrea oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Wafdi heer sare oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Eritrea ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Wafdiga wasiirka arrimaha dibedda Eritrea ayaa sidoo kale waxaa ka mid la taliyaha madaxwey-naha ninka lagu magacaabo Yemane Ghebreab.

Wafdiga ayaa lagu waramaayaa in ay hor-dhac u yihiin booqasho Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu dhawaan ku imanayo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bihii hora booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee booqda dalkaas oo 1993 ka go’ay Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]