4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2018
Gabdho Soomaaliyeed oo la baray xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan


Isniin, August, 13, 2018 (HOL) – Iyadoo shalay ay ku beegneyd 12 August maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa dhinaca kale degmada War-Dheegley ee gobolka Banaadir waxaa lagu qabtay munasabad lagu soo xiray gabdho Soomaaliyeed oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan sida qorista Af-Soomaaliga, Xisaab iyo Kambiyuutar sida ay Hiiraan Online u sheegeen howlwadeennada tababarka.

.Tababarkaan Noocaan waxaa Hir-geliyey xarunta kobcinta iyo horumarinta Haweenka ee Bil Khayr (Bil Khayr Women Empowerment Training Center), waxaana ugu horreyntii ka hadlay xafladda maamulaha xarunta Bil Khayr. Canab Maxamuud Maxamed (Canab Jeega Xiir) soo dhaweyn ka dib waxaa ay ku dheeraatay qaabkii uu ku billowday tababarkan.

“Markaan aragnay baahida weyn ee dhinaca aqoon la'aanta ah ee haysta gabdhaha Soomaaliyeed  ayaa go’aansanay in  aan aqoonteena uga Faaiideyno  haweenka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya shaqooyin iyo Aqoondaro ,“ ayay tiri Canab.

Waxay intaas raacisey “Waxaan xarunta ka qalin-jabinaya Gabdho fara badan oo aan barney Af-Soomaaliga, xisaabta & Kambiyuutarka, qaybo ka mid ah Gabdhahaas waxay barteen Kambiyuutar, kuwa kalena waxay barteen Af-Soomaaliga iyo Xisbaabta.”

Xafladaas Xiritaanka waxaa ka hadley gddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Butuulo Sh. Axmed Gaballe oo u mahad-celisay intii tababarkaan isku soo duba-ridday, gaar ahaan Xarunta Bil Khayr, iyadoo xustay in ururka haweenka Qaranka ay aad ugu farxeen in wax la baro Gabdho Soomaaliyeed

Mid ka mid ah gabdhihii tababarkaas uu u dhamaadey oo halkaa ka jeedisey Buraan-bur ay si aad ah ugu amaaneysey xarunta Bil-khayr iyo faa'iidada ay gabdhaha u leedahay Waxbarashada taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadkii ka qayb galey munaasabadaas lagu soo xirayey Tababarkaas

Gabdhihii dhameystay Tababbarka ayaa la guddoonsiiyay goobta munaasabadda ka socotey Shahaadooyin Aqoonsi u ah aqoontii la baray sidoo kale Xarunta Bil Khayr u mahad-celisey intii ku gacansiisey Hirgelinta Tababarkaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]