Isniin, August, 13, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha
xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay
munaasabada lagu maamuusayay 12ka August oo ku beegan maalinta dhalinyaradda
aduunka ayaa u digay mas’uuliyiinta dowladda ee ku kacaya musuq-maasuqa.
“Waxaanan aqbali
doonin in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan halkan ka cadeynayaa halkan farriin uga dirno qof waliba oo
Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil uga hayo dowladda, oo
ku fekerayo in uu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq
maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin” ayuu yiri
Khayre.
Hadalka ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya
ayaa imanaya maalmihii ugu danbeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda loo xiray
qaarkood-na looga joojiyay shaqada arrimo la xiriira musuq maasuq iyo wax
is-daba-marin waxaana ugu danbeeyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha
dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shaqo joojin lagu sameeyay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uusan qof ka
tirsan dowladda oo loo cafinayo musuq maasuq iyo in lagu takri-falo hantida
dadweynaha, isaga oo amray hay’addaha garsoorka in ay waajibkooda fushadaan la
xiriira wax ka qabashada iyo daba-galka mas’uuliyiinta dowladda eeku howlan
musuq-maasuqa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]