Isniin, August, 13, 2018 (HOL)– Qaar amid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ka soo jeeda goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta kulan ay isugu
yimaadeen uga hadlay dhacdo dil ah oo dhawaan loo geystay Ganacsato iyo
aqoonyahan reer Buuhoodle ah kuwaas oo sida ay sheegeen ka mid ah dadka
isbadalka Horumarineed ka waday deegaanadaasi.
Waxay ugu horeyn ka Tacsiyadeeyeen
dhimashada laba masuul oo ganacato iyo aqoonyahanba ahaa oo dhawaan lagu dilay
Buuhoodle kuwaas ooo lagu magacabi jiray, Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifatax
maxamed Cali, waxayna sidoo kale fariin dhinacyo baddan taabanaysay u
direen shacabka goboladdaasi oo ay ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo
isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee deegaamadaasi si looga dheeraado in ay
dhacdooyinka noocaasi ah soo laabtaan.
Aqoon-yahanka,Ganacsatada, iyo
shacabka reer Buuhoodle ayay ka codsadeen in isku meel looga soo jeesto cid
walba oo caqabad ku noqon karta Amniga deegaamadooda si meesha looga saaro
cabsi iyo in la shaki galiyo dagananshaha magaalooyinkaasi oo horumar dhinaca
dhismaha Ganacsiga iyo is dhexgalkaba ah uu ka jiray.
Waxa ay xuseen in Alle uu la
xisaabtamayo cid walba oo si qarsoodiya ku disha Haldoorka Soomaaliyeed balse
ay jirto laba mar oo lala xisaabtami doono taas oo ah inta dunida la joogo oo
kuwa dilalka noocan ah geysta aan laga hari doonin lalana xisaabtami doono iyo
in alle uu ka abaal marinayo dhimashada kadib, waxaa ay Tacsi xanuun baddan u
direen, waalidiintii,caruurtii, xaasaskii, saxiibadii, qoysaskii, iyo dhamaan
ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]