Degmooyin cusub oo la magacaabay gobolka Hiiraan
Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka
Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay
saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka gobolka Hiiraan.
Cosbole ayaa u magacaabay Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax degmooyin cusub
taasoo guud ahaan marka la eego tirada degmooyinka gobolka
ka dhigeysa ilaa Siddeed degmo.
Gobolka ayaa horay uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Beledweyne,
Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmada Matabaan.
Akhriso wareegtada :
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com