
Talaado, Augusto, 01, 2017 (HOL) - Waxaa magaalada Stockholm ee wadanka Sweden lagu soo gaba-gabeeyay cayaarihii sanadlaha ahaa ee Seuki oo sanadkan ay ka soo qeyb galeen 16 koox oo ka kala socotay wadanka Sweden iyo Yurub, cayaarahan oo sanadle ah waxay si rasmi ah u bilowdeen 15.7.2017,iyadoo cayaartii kama dambeysta ee finalka ay isku soo hareen kooxaha Gees guud iyo Dahabshiil Norway oo ka kala yimid magaalooyinka Gothenburg iyo Oslo.
Cayaaruhu waxay ahaayeen kuwa aad u xiiso badan oo maalin walba ay garoonka soo buux dhaafiyeen taageerayaal ka kala yimid magaalooyinka Sweden,Yurub iyo waqooyiga Ameeerika.
Kooxda Dahabshiil Norway oo sanadkii 2013 ku guuleysatay koobka Seuki ayaa waxay fursad u heleen mar kale in ay ku qaadaan Gool ku laad “Rigoore” markii ay cayaarta ku soo idlaatay 2 iyo 2.
Waxaa cayaartii kama dambeysta ee Seuki 2017 ka soo qeyb galay dadweyne tiradooda kor u dhaaftay 10,000,iyadoo dhanka fanka iyo suugaanta ay ka qeyb galeen fanaaniin aad u farabadan oo marti u ahaa ururka isboortiga ee Seuki.
Fanaanka weyn ee Bashiir Cali Xuseen ayaa heesta Cayaaraha,Somali waa mid iyo Arji ku luqeeyay,waxaa kale oo ka qeyb galay fanaaniinta kala ah Deeqo Afro,Kiin Jaamac,Super Khalid,DJ Zaki iyo Maslax.
Koobkii ay ku guuleysteen Dahabshiil Norway waxaa si wadajir ah u bixiyay Gudoomiyaha Seuki 2017 Abdiweli Maalin Shaaciye, Bashiir Jeenyo iyo Macalin Nuur Gaab oo si rasmi ah looga soo casuumay wadanka Denmark.
Gudoomiye Weli Maalin ayaa u mahad celiyay dhamaan marti sharaftii iyo cayaartooydii ka qeyb gashay Seuki 2017,isagoo ku tilmaamay in sanadkan uu ahaa kii ugu weynaa ee soo mara tan iyo intii la aas-aasay ururka Seuki.
Waxaa kale oo hadalo kala duwan ka soo kala jeediyay martidii iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta baarlamaanka Sweden,Booliiska xaafadaha Somalida u badan yihiin ee RINKEBY iyo Abukar Adan Deeqow “BOSS CAATO” oo ahaa shaqsigii ugu hawasha badnaa ee gacanta weyn ka geystay soo dhoweynta iyo dejinta martidii ku sugnayd Stockholm tan iyo waqtigii cayaaraha ay furmeen.
Abdinasir Ismail “SOLA
Stockholm Sweden
