Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Sudan


Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Wafdi uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehlinaya la taliyaha dhinaca Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Madaxa Guddiga horumarinta adeegga bulshadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa booqasho ugaga bilaabatay dalka Sudan.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tacliinta Sare ee dowladda Sudaan, Maamulaha Jaamacadda Afrika, diblomaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed Cabdullaahi Ogaas.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  sheegay in Suudaan ay u yimaadeen isagga iyo wafdigiisa Casumaad rasmi ah oo ay ka haleen Wasiirka Wasaaradda Tacliinta sare ee Dowladda Sudaan.

Dowladda Suudaan ayaa tan iyo bur burkii waxaa ay marti-galisay ardeydii ugu faraha badneyd ee Soomaaliyeed oo kuwaa oo intooda badan ay siisay deeqo waxbarasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

 

More News