
Talaado, August, 01. 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn.
Askartii lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa isugu jiray AMISOM iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan.
"Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan howlaglka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka waxaa uu ka dhacay meel u dhow tuulada Golweyn oo 120km dhinaca koonfur kaga toosan magaalladda Muqdisho.
Kolonyada la weeraray ayaa ka koobnaa 24 gaari kuwaas oo sahay siday, sida saraakiil ay sheegeen.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dileen 39 askari oo ka tirsan AMISOM balse saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa beeniyay sheegashada Al Shabaab.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia